Archives
now browsing by author
Best Hospital Of The Year Shaafi Hospital
Isbitaalka ugu wanaagsan, uguna fiican Isbitaalada Dalka Shaafi Hospital
Best Hospital 2019 Shaafi Hospital
Maamulka isbitaalka Shaafi oo xaflad Dhiiri galin ah u sameysay howl wadeenada Isbitalka
Munaasabad loogu dabaal dagayo guulihii Isbitaalka Shaafi uu ka gaaray sanadkan dhamaanaya ee 2019 ayaa lagu qabtay hoolka weyn ee beerta banadir iyadoona si isku mid ah loogu dabaal dagay in isbitaalka shaafi uu noqday #Best_Hospital_In_the_year iyo #Person_of_the_year oo uu noqday #Prof Dr Shaafii Adan Dirir,
Munaasabada oo loosoo agaasimay si heersara ah ayaa waxaa Bilado,Shahaadooyin iyo hadiyado kala duwan lagu doon siiyey howl wadeenada kala duwan ee Isbitaalka Shaafi.
Person of the year Prof Dr Shaafici Adan Dirir

Waxaan guud ahaan bulshada soomaliyeed ugu mahad celinayaa sida aad iila garateen in aan noqdo Person of the year ,marwaliba waxaan wax ku ahay in aan u adeego bulshadeyda soomaaliyeed,

Qaar Kamid Ah Xirfadlayaasha Caafimaadka Oo Imtixan Ugalay Boosas Shaqo,

Waxaa maanta isbitaalka shaafi ee magaalada muqdisho imtixaan ufadhistay qaar kamid ah xirfadlayaasha qeybta caafimaadka kuwaa oo soo dalbaday boosas shaqo uu horey usoo bandhigay isbitaalka shaafi.
Agaasimaha guud ee Isbitaalka Shaafi Dr Tahliil Cabdi Afrax ayaa daah furey imitixaankan ay u fadhiisteen
xirfadlayaasha qeybta caafimaadka.
UJEEDO:JAGO KA BANAAN ISBITAALKA SHAAFI.

UJEEDO:JAGO KA BANAAN ISBITAALKA SHAAFI.
Waxaa La Ogeysiinayaa Shaqo doonayaasha Qeybta Caafimaadka In Isbitaalka Shaafi Ee Magaalada Muqdisho Ay Kabannaan Tahay labo Jago Oo Ah Kalkaaliye Caafimaad (QUALIFIED NURSING ) iyo Umuliso (QUALIFIED MIDWIFE)
Fadlan wixii faahfaahin intaa dheer Kaga bogo lifaaqa hoos kuqoran.
Ogeysiis Ogeysiis

Ogeysiis ogeysiis waxaa la ogeysiinayaa bulshada soomaaliyeed ee kudhaqan Muqdisho iyo nawaaxigeeda in Isbitaalka Shaafi uu dib ugu soolaabtay Prof. Dr. Ahmed Ali (Ahmed Medicine) oo Safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.
Prof. Dr. Ahmed Ali ayaa bilaabi doona howlahiisii shaqo ee maalin laha ahaa ee uu uhayay bulshada soomaaliyeed.

UJEEDO:JAGO KA BANAAN ISBITAALKA SHAAFI.

Waxaa La Ogeysiinayaa Shaqo doonayaasha Qeybta Caafimaadka In Isbitaalka Shaafi Ee Magaalada Muqdisho Ay Kabannaan Tahay Hal Jago Oo Ah dhaqtar caafimaad ( MEDICAL DOCTOR )
Fadlan wixii faahfaahin intaa dheer Kaga bogo lifaaqa hoos kuqoran.
Sawiro:- CT Scan-kii Ugu Casri Sanaa Caalamka Oo la kenay Isbitaalka Shaafi

Bishaaro Bishaaro Bishaaro BulShooy idinkuna bilkheyr dhaha waxaa loogu bishaareynayaa bulshada somaliyeed ee ku dhaqan muqdisho iyo caalamka intiisa kale in ispitaalka shaafi ee magaalda muqdisho oo aad uga batareen adeegyo caafimaad oo tayeeysan iyo fulinta Qaliimadii loo Aadi jiray Dalka Dibadiisa in Isbitaalka Lagu soo kordhiyeyey Mashiinka Casriga ah ee CT Scan oo Nuuciisu yahay equlion Toshiba 64 slice oo ah mashiin kii ugu horeyey oo nuuciisa ah ee soo gaara Gudaha Dalka Soomaaliya.
Mashiinkan casriga ah ee lagu soo kordhiyeye Isbitaalka Shaafi ee Magaalda Muqdisho ayaa bukaanda waxa uu ufududeynayaa in sifudud lagu ogaado halka ay tabashadoodu tahay iyadoona bukaanada lagu saaraayo mashiinka qiimo aad uyar oo horey dalka loogu sameyn…..
Bukaanda doonaya ogaasha caafimaad qabka jir kooda ee yimaada isbitaalka shaafi ee magaalda muqdisho ayaa heli doona qiimo dhimis Balaaran iyo saarida mashiinkan casriga ah ee CT scan-ka.
Hadaba si aynu ugu wada midnoqono dadka ka faaideysta Saarida mashiinkan casriga ah aynu horey uwada gaarno shaafi Hospitaal.